privacy policy

Siyaasadda Qarsoodiga — SuuqaBakaaro.com

La cusboonaysiiyay: Oktoobar 2025

SuuqaBakaaro.com (“annaga”, “boggan”, ama “madalka”) waxaa ixtiraamnaa xogtaada shakhsiga ah. Siyaasaddan qarsoodiga waxay sharaxaysaa sida aan u ururino, u isticmaalno, una ilaalino macluumaadkaaga markaad isticmaasho website-ka Suuqa Bakaaraha.

1. Macluumaadka Aan Ururino

Waxaan ururinaa:

1.1 Xogta Shakhsiga ah

  • Magacaaga buuxa
  • Lambarka taleefanka
  • Cinwaanka ama goobta GPS
  • Magaca isticmaalaha iyo eray sirta
  • Faahfaahinta lacag bixinta (Jeebka ama hab kale)

1.2 Xogta aan Shakhsiga ahayn

  • Nooca browser-ka iyo qalabka
  • IP address iyo goob guud
  • Bogagga aad booqato iyo wakhtiga aad ku qaadato

2. Sida aan u isticmaalno xogtaada

  • Si loo abuuro oo loo maareeyo akoonkaaga
  • Si loo farsameeyo dalabaadkaaga
  • Si aan kuugu soo dirno macluumaad ku saabsan dalabkaaga
  • Si loo xaqiijiyo lacag bixinta loogana hortago khiyaano
  • Si loo hagaajiyo adeegyada iyo khibrada isticmaalaha
  • Si loo waafajiyo shuruucda iyo waajibaadka dowladeed

3. La-wadaagidda Xogta

Xogta waxaa lala wadaagi karaa:

  • Ganacsatada ama iibiyeyaasha si ay kuu soo diraan alaabta
  • Gaadiidka Dhambaalka si ay u keenaaan dalabkaaga
  • Jeebka Wallet si ammaan ah loo bixiyo lacagta
  • Hay’adaha sharci fulinta marka sharcigu waajibiyo

Maka iibinno xogtaada shakhsiga ah cid saddexaad.

4. Kaydinta iyo Amniga Xogta

Waxaan isticmaalnaa servero ammaan ah iyo sir-gelin (encryption).

Si kastaba ha ahaatee, internet-ka laguma dammaanad qaadi karo 100%, sidaas darteed xogta waxaa la gudbiyaa iyadoo leh khatar yar.

5. Cookies

Waxaan isticmaalnaa cookies si aan u xasuusano gelitaankaaga, dambiisha wax-iibsiga, iyo doorbidkaaga.

Haddii aad demiso cookies, qaar ka mid ah shaqooyinka goobta lama heli karo.

6. Xuquuqdaada

Waxaad xaq u leedahay inaad:

  • Aragto ama cusboonaysiiso xogtaada
  • Codsato tirtirka akoonkaaga
  • Ka baxdo fariimaha xayeysiinta

Si aad u codsato, fadlan nala soo xiriir: privacy@suuqabakaaro.com

7. Kaydinta Macluumaadka

Xogta waxaa la hayaa inta ay lagama maarmaan tahay oo keliya si adeegga loo bixiyo ama waajibaad sharciyeed loo fuliyo.

8. Bogagga Saddexaad

Website-keenu wuxuu xiriir la yeelan karaa bogag kale, annagu mas’uul kama nihin siyaasaddooda qarsoodiga.

9. Cusboonaysiinta Siyaasaddan

Waxaan mararka qaar cusboonaysiin karnaa siyaasaddan. Nooca ugu dambeeyay waxaa lagu daabici doonaa boggan.

10. Nala Soo Xiriir

Suuqa Bakaaro

Dabaqa SNT
Nawaaxiga Masjidka Abuu Hureyra.
Suuqa Bakaaro, Muqdisho

Email: privacy@suuqabakaaro.com

Website: https://suuqabakaaro.com

Scroll to Top